Monday, 25 October 2021

Taariikh Reeb aan sameyno

Soomaaliya intaanu gumeystuhu imaan, dadka soomaaliyeedna ay kala deganaayeen deegaamada dhulka ay ku baahsan yihiin dadka Soomaalida ee afka Soomaaliga ku hadlo ee geyiga geeska Africa mudo aad u fog waxay lahaayeen bulshooyinkaasi dad aftahano iyo murti yaqaana ah oo bulshooyinkaasi dhexdooda amaan iyo sharaf kulahaa. Sanadihii 1950 meeyadii ilaa burburkii 1991, waxaa masraxyada gobollada iyo degmooyinka wadanka dadka madaadaalin jiray hobollo magacyo weyn ku lahaa wadanka Soomaaliya guud ahaantiis. Waxaa kaloo jiray mu’allifiin u shaqayn jiray dhaqanka ha ahaado mid waqooyi, koonfur, banaadiri, maay iyo maxaa tiriba, dadkuna aad uga heli jireen. Abwaan Barre Maxamed Fiidoow oo ku magacdheer “Leento” waxa uu ka mid ahaa da’yartii bartamihii Todobaatanaadkii fanka soo galay isagoo fanka ka soo galay tababarid iyo macalinimo Ubixii degmada H/wadaag, kedibna ku biiray kooxdii halgan ilaahna heybad u siiyay curinta heesaha, gabayada, saarista laxanka iyo weliba ku luuqeeynta heesaha, waxaa kale oo jira heeso badan oo uusan isagu curin laakiin uu laxanka saaray. Barre Maxamed Fiidoow murtida qiimaha baaxadda leh ee ay heesihiisu leeyihiin waxay u suura gelisay inuu fanaaniinta qaranka badankoodu ku luuqeeyaan heesaha uu curiyo isagoo aanan ku koobnaanin keliya kooxdii uu ka tirsanaa. Barre Maxamed Fiidoow waxaa kale uu curiyay riwaayado fara badan oo laga dhigay goboladii wadanka Soomaliya badankooda iyo Golihii Murtida iyo madadaalada ee National Teatre-ka, Abwaan Xirsi Dhuux oo ay abwaanku waqti badan isla soo qaateen ayaa sheegay in Heesaha iyo gabayada Abwaan "Leento" Aysan midna kasoo horjeedin diinta islaamka iyo dhaqanka suuban ay Soomalidu leedahay. Murti yaqaanada Abwaan Leento la ceynka ah waxay u baahan yihiin dad taariikhdooda qora oo Bulshada u sheega howshii wngsneed ay abwaanada dal dhiska ka geysteen. Cabdirisaaq Xasan Jidhi ayaa noqday qoraagii 1aad ee Abwaan Soomaaliyeed qora Suugaantiisa kuna soo koobay buuga Aleel. Yaanan iloobin dadkii cod karka usoo ahaa Bulshada Taariikh dooda. Sawirkaan Waa Abwaan Leento oo taagan Masraxa Bandhiga Buuga Aleel Eng. Abdullahi Sahal